Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kaddib markii la xaqiijiyay aragtida bisha meelo ka tirsan gobollada dalka.
Wasiirka oo goor dhow ka soo muuqday warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in aragtida bisha laga xaqiijiyay magaalooyin ay ka mid tahay Baladweyne, halkaas oo nin dhaqtar ah oo ay wasaaraddu la xiriirtay uu caddeeyay inuu bisha arkay.
Sheekh Mukhtaar ayaa xusay in dowladdu ku kalsoon tahay muwaadiniinta soo sheegay aragtida bisha, sidaas darteedna ay ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in la arkay bisha Ramadaan, iyaga oo tilmaamay in dalal badan oo Islaami ah laga arkay bisha, islamarkaana ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan fursadda cibaado ee bisha barakaysan.
Ra’iisul Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kaddib shaacinta bisha Ramadaan wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Ramadaan.
Raysal wasaare Xamse ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir, isaga oo kula dardaarmay in la garab istaago dadka ay abaartu saameysay.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan dowlad goboleedyada dalka ayaa looga dhawaaqay dhalashada bisha Ramadaan.












