Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado amni, siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u adag, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo isbahaysi goboleed oo xooggan, gaar ahaan mid lala yeesho Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Majalla, ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad ee dowladda Soomaaliya ay tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalka, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sugidda amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Cali Cumar ayaa sheegay in khataraha amni ee ka jira gudaha dalka iyo faragelinta dibadeed ay qasab ka dhigayaan in la helo “iskaashi goboleed oo mideysan” si looga hortago argagixisada iyo xasillooni-darrooyinka gobolka.
Wasiirku wuxuu si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga waxa ay ugu yeertay “madax-bannaanida Somaliland”, isagoo ku tilmaamay mid jebinaya sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in arrintaasi ay saameyn taban ku yeelan karto amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana aysan u adeegayn danaha guud ee dunida Carabta.
Sidoo kale, wasiirka ayaa adkeeyay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya uusan siinaynin maamul-goboleedyada wax xuquuq ah oo ku saabsan matalaadda dibadda, taasoo sida uu sheegay ah arrin si cad ugu xusan dastuurka dalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriirka caalamiga ah uu yahay mas’uuliyad gaar u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Marka laga hadlayo xiriirka Mareykanka, Cali Cumar ayaa sheegay in isbeddellada siyaasadeed ee ka jira Washington, gaar ahaan xilliga madaxweyne Donald Trump, aysan si gaar ah u beegsan Soomaaliya, balse ay qayb ka yihiin siyaasad guud oo Mareykanku ku dhimayo kaalinta gargaarka caalamiga ah.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in inkasta oo ay jiraan caqabado dhanka amniga ah, haddana dowladda Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo, iyadoo ku dhawaad 80% dalka ay ka xorooyeen kooxaha hubeysan, isla markaana howl-gallada lagu ciribtirayo argagixisada ay sii socdaan, iyadoo ay barbar socoto dib-u-dhiska dowladnimada.











