Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u buriyay ama u baabi’iyay dhamaan heshiisyadii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku joogtay gudaha dalka Soomaaliya.
Heshiisyada Xukuumadda Soomaaliya ay ka laabatay ama burburisay waxaa ku jira heshiisyada Imaaraadka Carabta ay ku joogan dekaddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.
Warsaxafadeed kasoo baxay shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ahaa shir deg deg ahaa ayaa lagu xaqiijiyay in heshiisyadii amniga iyo difaaca oo ay wada galeen labada dowladood in Soomaaliya ka laabtay.
Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa go’aankan ku macneeyay iney la xariirto in dowladda Imaaraadka Carabta ay ku xad gudubtay midnimada Qaranimada Soomaaliya.
“Go’aankaan wuxuu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.” ayaa lagu Warsaxafadeedka kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka Golaha Wasiirrada lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid loo qaatay si waafaqsan danta guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya lagu faray iney hirgaliso go’aanadan kasoo baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya.
Dhanka kale
Somaliland ayaa ka hor timid go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiirada ee Soomaaliya, oo Somaliland ku jirto lagaga saaray dowlada Imaaraatka Carabta, isla markaana lagu buriyay dhammaan heshiisyadii Imaaraatka lagula jiray.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku doonayso in dekeda Berbera lagaga eryo shirkada Imaaraatku leeyahay ee DP World ay tahay riyo maalmeed aan suuragali doonin.
“Riyo-maalmeedka Soomaaliya waxba ma beddelayso. Berbera waa halka uu ku dhashay Madaxweynaha Somaliland, Imaaraadkuna waa saaxiib lagu kalsoon yahay oo ay Somaliland leedahay” ayuu yidhi Wasiir Khadar.
Waxa uu sheegay in Imaaraatku Berbera maalgeliyeen xilli dowladaha kale ay ka shaki qabeen, taasina ay sababtay in dunidu maanta hadlayso Berbera. “Somaliland waa qaran mabda’ leh, saaxiibbadiisana garab taagan. Imaaraadku wuu joogayaa, wax kasta oo uu yidhaahdo maamul daciif ah ee ka jira Muqdisho.”
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u buriyay ama u baabi’iyay dhamaan heshiisyadii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku joogtay gudaha dalka Soomaaliya.
Heshiisyada Xukuumadda Soomaaliya ay ka laabatay ama burburisay waxaa ku jira heshiisyada Imaaraadka Carabta ay ku joogan dekaddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Golaha Wasiirrada Soomaaliya kasoo baxay oo dhameystiran:-














