Wafdiyo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Laascaanood, caasimadda maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, iyagoo horudhac u ah safar uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo magaaladaas dhamaadka toddobaadkan.
Wafdiga gaaray Laascaanood, oo ka kooban xubno xildhibaano, wasiirro ah, oo uu kamid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Gen Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska, Gen. Asad Diyaano, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdikariin Firdhiye, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay Laascaanood.
Amniga ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka socda Dowladda Federaalka ay halkaasi ka dageen maanta. Madaxda soo gaartay maanta iyo kuwa maalmaha soo socda kusoo wajahan ayaa ka qeyb geli doona caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye iyo ku xigeenka Abwaan Cabdirashiid, kuwaas oo la doortay 30-kii August 2025.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ahmiyad weyn siineysa tegitaankeeda Laascaanood, oo ay ka dhistay dowlad goboleed, si loo xoojiyo midnimada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey Laascaanood ugu tilmaamay xuddunka midnimada Soomaaliya, wuxuuna safarkiisa, oo ah kii ugu horreeyay ee uu magaalada ku tagayo halkaasi, ku dirayaa farriin cad oo ku saabsan in Soomaaliya aan la kala goyn karin.












