Ciidamada ilaalada Madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaa rasaas kor u riday xilli uu maanta ka dhoofayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo safar ugu ambabaxay waddanka Imaaraatka Carabta.
Rasaasta ayaa la maqlay kadib muran soo kala dhex galay ilaalada Madaxweyne-hore Biixi iyo ilaalada garoonka, iyadoo mid ka mid ah askarta ilaalada Cigaal uu rasaas kor u riday. Intaa ka dib, waxa baraha bulshada lagu arkay Madaxweyne Biixi iyo siyaasiyiin la socday oo garoonka hore u galay iyaga oo aan ilaalo wadan.
Siyaasiyiinta taageersan Biixi, salaadiin iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah, ayaa si adag u cambaareeyay falkii lagula kacay Biixi, iyaga oo sheegay in la dhibaateeyay, balse uu doortay inuu aamusnaan ku dhoofo si bulshada aanay u kicin.
“Falka lagula kacay Madaxweynihii hore, Muuse Biixi, waa fal argagax leh oo khatar ku ah amniga qaranka. Wuxuu ahaa fal la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo sharaftiisa,” ayuu yidhi Xoghayihii hore ee Madaxweyne Biixi oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada, isaga oo sidaas kaga falceliyay sida loola dhaqmay Biixi.
Xisbiga KULMIYE ayaa cambaareeyay tallaabada ay maanta ciidanka Booliska Madaarka Hargeysa kula kaceen Madaxweynihii 5aad ee Somaliland. “Xisbiga KULMIYE waxa uu u arkaa mid aan la aqbali karin rasaasta ay ciidanka boolisku u isticmaaleen Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xisbiga.
“Waxaanu Xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Wasaaradda Duulista iyo hay’adaha amniga, ka sugaynaa inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan dhacdadan foosha xun oo sawir khaldan ka bixinaysa hannaanka dawladnimada Somaliland.”
Xisbiga KAAH ayaa isna sheegay inuu aad uga xun yahay dhacdada, isaga oo ku tilmaamay rasaaseyn iyo is-hortaag ka dhacay Madaarka Cigaal ee caasimadda Hargeysa. “Tallaabada sababtay in Madaxweyne hore lug ku galo madaarka, waxa xaqiiq ah inay ahayd fal ka tarjumaya xurmo-darro iyo xadgudub xasaasiyadeed. Madaxweyne-hore Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweyne dalkani soo hoggaamiyay, isla markaana mudan qaddarin iyo xushmad joogto ah.”
“Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda JSL inay raalligelin ka bixiso tallaabooyinkii lidiga ku ahaa maamuuska iyo milgaha Madaxweynihii hore.”
Ugu dambayntii, Xisbiga KAAH wuxuu ku baaqay in baadhis madaxbannaan lagu sameeyo dhacdadaasi, isla markaana xukuumaddu qaaddo tallaabooyinka ku habboon ee lagula xisaabtamayo cid kasta oo ku lug lahayd.












