Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminaayay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.
Wafdiga Danjire Richard H. Riley ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo wax ka qabashada xaaladaha arrimaha bani’aadanimada ee ka jira deegaanada Jubbaland.
Waxaa sidoo kale labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka taagan ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee aanan wali xal waara laga gaarin.
“Maanta Madaxweynaha Jubaland Madoobe waxaana kula kulmay magaalada Kismaayo oo aan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay midnimada qaranka iyo in lala dagaalamo argagixisada si ay uga faa’iidaystaan dadka reer Jubaland iyo dhammaan Soomaaliya. ayuu yiri Danjire Richard Riley.
Madaxweynaha Jubbaland waxaa kulanka ku wehlinaayay Wasiirada arrimaha gudaha iyo Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee maamulka Jubbaland, iyadoo kulanka si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Jubbaland.
Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tagey magaalada Kismaayo, islamarkaana kulamo uu halkaas kula soo qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay kusoo dhamaadeen matiijo la’aan.












