Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale adkeysay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada macdan-qodista sharci-darrada ah ee ka socda qaybo kamid ah dalka, kuwaas oo ay sheegtay inay ku lug leeyihiin shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali iyo ajnabi isugu jira.
Wasaaraddu waxay sheegtay in qaanuunka caalamiga ah iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya ay si cad u dhigayaan in maamulka, sahminta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah uu yahay awood ay leedahay oo keli ah Dowladda Federaalka. Sidaas awgeed, waxay sheegtay wasaaraddu cid kasta oo ku hawlan macdan-qodista aan sharciyeysneyn in aysan wax sharci ah u haysan howlahooda.
Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu ma xusin cid gaar ah ama shakshsiyaad oo ku howlan macdan qodista sharci darrada ah. Arrintaan ayaa imaanaysa xilli Bariga gobolka Sanaag oo ay maamusha Puntland ay yihiin meelaha ugu badan ee isha lagu hayo qodista.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa horey u sheegay in ay soo dhoweynayaan cid kaste oo maalgashi ku sameynaysa sidii looga faaidaysan lahaa kheyraadka macdanta ku jirta degaanadeeda.













