Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ahaa ka yeeshay xaalada dalka Suudaan iyo dil wadareedkii dhawaan ka dhacay magaalada Al-Feshir ee dalkaasi Suudaan
Golaha ayaa kulankooda ku lafa guray sida looga gudbi karo dhibaatooyinka dhacaya dalka Suudaan, waxaana Goluhu ay ugu baaqeen dhinacyada isku haaya dalkaas in dib loo bilaabo wadahadaladii horay u socday.
Soo jeedinta fadhigan deg dega aha waxaa lahaa lix wadan oo Golaha Amaanka ka codsaday in si deg deg wax looga qabto dhibaatooyinka xanuunka leh ee ka dhacaya Suudaan, waxaana dalalkaasi kala yihiin UK, Algeria, Sierra Leone, Somalia, Guyana iyo Denmark sida uu shaaciyay Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Dalalkaan ayaa golaha ka dalbaday in xal waara oo deg deg ah loo helo dhibaatooyinka todobaadkan gudahii ka dhacay gudaha magaalada Al-Feshir ee lagu laayay dadka rayidka ahaa, islamarkaana sababay barakaca kumanaan kale oo shacab ah.
Dhibaatooyinka ka dhacay dalka Suudaan todobaadkaan ayaa noqday kuwa kusoo jeediyay indhaha caalamka, kooxda RSF ee garabka ka hesha Isutagga imaaraatka Carabta.












