Shir Looga Hadlayo Ganacsiga Mareykanka iyo Soomaaliya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Daahfuray.

0
350

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka (Somalia–U.S. Presidential Trade Summit), oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho, kaas oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo xuddun u noqonaya xiriirka cusub ee iskaashi ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha oo hadal furitaan ah ka jeediyay shirka, ayaa tilmaamay in shirkan uu yahay tallaabo horumarineed oo caddeyneysa in Soomaaliya ay ka guurtay marxaladdii ku tiirsanaanta gargaarka, una tallaabsatay waddada iskaashi dhab ah, horumar dhaqaale iyo hal-abuur ganacsi.

“Shirkan waxaa astaan u ah isbeddelka Soomaaliya, waxaanna rabnaa in aan dunida tusno in dalkeenna uu yahay suuq cusub oo u furan maalgashiga caalamiga ah, gaar ahaan maalgelinta Mareykanka, Waxaan dhiirrigelinaynaa kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo hal-abuurka bulshada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Mareykanka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay si weyn ugu diyaarsan tahay sidii ay u noqon lahayd meel ku habboon maalgelinta, loogana faa’iideysto fursadaha ganacsi ee ay dalka ku faafsan yihiin.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka socda labada dowladood, ganacsato, iyo wakiillo ka socda hay’adaha maalgelinta, ayaa diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa fursadaha maalgashi, iskaashi ganacsi, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid sii xoojinaya diblumaasiyadda dhaqaalaha ee Soomaaliya, isla markaana sare u qaadaya sumcadda dalka, taasoo muhiim u ah kobaca dhaqaale iyo xasilloonida gobolka.