Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dilkii Caaqil Cabdullaahi Cumar Cabdi, oo ka mid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Dadweyne careysan oo isugu soo baxay waddooyinka ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Puntland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay eedeeyeen inay iska kaashadeen weerarkii duqeynta ahaa ee lagu dilay caaqilka.
Intii uu mudaharaadku socday, dadkii bannaanbaxa dhigayay ayaa gubay calanka Puntland, iyagoo dalbanayay in maamulka Puntland uu gabi ahaanba isaga baxo gobolka Sanaag.
Dilka caaqilka ayaa sababay xiisad cusub oo ka dhex aloosantay gobolka Sanaag, halkaas oo Puntland ay soo dhoobtay ciidamo ka tirsan cutubyada PMPF, si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqyada maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.
Dibadbaxyadan ayaa ku soo beegmay xilli diyaarado aan la garan karin ay weli dul wareegayaan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, taas oo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka. Warar kale ayaa sheegaya in dad badan ay ka barakaceen deegaano ka mid ah gobolka Sanaag, iyagoo ka cabsi qaba weerarro kale oo duqeyn ah.
Dhanka kale, Puntland ayaa adkaysay ammaanka guud ee gobolka Sanaag, iyadoo ciidamada PMPF iyo Daraawiishta lagu amray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si looga hortago dhaqdhaqaaq kasta oo khatar ku ah amniga.
Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa sidoo kale maalintii labaad wada baaritaan ku saabsan goobtii lagu bartilmaameedsaday caaqilka, iyagoo raadinaya xog ku saabsan weerarkaasi.