Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Jeneraal Liiban Cali Yarrow, ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota ciidamada qalabka sida, isaga oo uga digay inay ku lug yeeshaan arrimaha siyaasadda ama ay jebiyaan anshaxa ciidanimo.
Hadalkan ayaa yimid xilli uu khudbad u jeedinayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu si cad u sheegay in askari kasta oo diida amarka ama ka carara goobta dagaalka, ku dhaqma eex qabyaaladeed, la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada.
Jeneraal Liiban wuxuu ugu baaqay ciidamada inay diiradda saaraan waajibaadkooda qaran ee ah ilaalinta ammaanka dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu uga digay ka fogaanshiyaha arrimo siyaasadeed oo wax u dhimi kara ujeedkooda ciidanimo iyo hawlgallada ay wadaan.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo laga warqabo warbixino xanbaarsan in qaar ka mid ah askarta lagu tuhunsan yahay inay lug ku leeyihiin khilaafaad siyaasadeed oo soo noqnoqday.