Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Amb. El Hadji Ibrahima Diene, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay La-taliyaha Ammaanka Qaranka ee Soomaaliya, Amb. Awes Hagi Yusuf Ahmed, kaa oo ka dhacay Villa Soomaaliya.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin, Habka kala guurka ammaanka ee Soomaaliya, Dadaallada ka dhanka ah dagaalka kooxaha argagixisada, Xasilinta dalka iyo Mudnaanta siyaasadeed ee hadda jirta.
Amb. Diene ayaa inta uu kulanka socday ku adkeeyay sida Midowga Afrika ugu heellan yihiin taageerida geeddi-socodka nabadda ee ay hoggaaminayaan Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa kulanka joogay Abdimalik Abdullahi, Agaasimaha Guud ee Ammaanka Qaranka, oo qayb ka ahaa wada hadalada dhex maray mas’uuliyiintaasi.
Kulankan ayaa qayb ka ah iskaashiga iyo wada shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda, amniga, iyo horumarka dalka.