Garabka Madasha uu Hoggaamiyo Madaxweynihii Hore Sh Shariif oo ka Hadlay Xarigga Nabadoon Xuseen Xaadoole.

0
261

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynihii hore dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xarigga dowladda Fedaraalka u geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole.

Nabdoon Xaadoole oo Shalay askar ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya ay kasoo xireen hoygiisa oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa Madashu ku tilmaamtay xarigiisa mid sharci daro ah.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u cambaaraynaysaa xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, oo ciidamada boolisku ka afduubteen hoygiisa, kadib markii uu si geesinimo leh uga hor yimid boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

Nabadoonka ay dowladdu xirtay ayaa ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee saameynta  ku leh bulshada dhexdeeda, waxaana warsaxafadeedka Madasha lagu sheegay in Nabadoonka uu ahaa shaqsi codkiisa ku difaaca hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Nabaddoonku xaqiisa dastuuriga ah ayuu si nabad ah ugu cabbiray aragtidiisa ku aaddan ku takrifalka awoodda iyo hantida qaranka, Xorriyadda hadalku waa xaq dastuuri ah oo aasaas u ah nidaamka dowladnimada” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Madasha Samatabixinta.

Golaha Samatabixinta ayaa sidoo kale xarigga Nabaddoon Xaadoole ku sheegay isku day lagu cabburinayo codka shacabka, laguna handadayo qof kasta oo ku taagan xuquuqdiisa dastuuriga ah.

Warsaxafadeedka Madasha Samatabixinta ayaa loogu baaqday Madaxweynaha inuu joojiyo boobka iyo barakicinta shacabka ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalana shacabka Soomaaliyeedna loogu baaqay inay si mideysan ugu istaagaan difaaca dhulkooda iyo hantidooda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Madasha Samatabixinta oo dhameystiran:-