Rooble ayaa ku andacooday in Madaxweyne Xasan uu mar waliba adeegsado halkudhiga ah “Anigu waxaan ka soo jeedaa Muqdisho qabiil ahaan, marka sidee baan xilka u wareejinayaa, iyadoo Farmaajo oo ka tirsanaa qabiil aan Muqdisho saamayn ku lahayn uu isku dayay inuu kursiga ku dhego? Aniguna maxaan iskaga dayi waayaa?”Rooble ayaa hadalkan ku tilmaamay mid khatar ah, isaga oo sheegay in uu yahay tilmaan cad oo muujinaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh aanu diyaar u ahayn inuu xukunka si nabad ah u wareejiyo.
Waxa uu intaas ku daray in hadallada noocan oo kale ah ay khatar gelinayaan xasilloonida siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay sii hurin karaan kala qaybsanaanta qabiilka ee Soomaaliya.
Rooble ayaa sidoo kale ka digay in hadalkaasi yahay mid dhaawacaya kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda, isla markaana abuuri kara xiisado hor leh oo siyaasadeed.
Shirka jaraa’id ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya wajahaysa hubanti la’aan siyaasadeed oo sii kordheysa, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafaadka siyaasadeed ay dib u soo cusboonaadaan, gaar ahaan marka ay soo dhowaato waqtiga doorashada.