Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay hoos u dhaca maalgelinta gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Warbixin cusub oo kasoo baxday QM ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la gaarsiiyay kaliya 17% maalgelintii gbani’aadamnimo ee qorshaysnayd sanadkan.
In ka badan 300,000 qof – intooda badan qoysas barakacayaal ah oo ku nool xeryo ciriiri ah iyo bulshooyin miyiga ku dhaqan – ayaa warbixinta lagu sheegay in ay waayeen helitaanka biyo nadiif ah iyo adeegyada fayadhowrka, kaddib markii adeegyo la bixinayay la dhimay ama gebi ahaanba la joojiyay.
Maalgelinta qaybta biyaha iyo fayadhowrka waxay hadda joogtaa wax ka yar 12% intii loo baahnaa, taasoo hay’adaha ku qasbaysa inay sameeyaan go’aamo aad u adag xilli baahiyaha degdegga ahi sii kordhayaan.
Intii u dhexeysay Janaayo ilaa Luulyo sanadkan, Soomaaliya waxay soo warisay 6,550 kiis oo daacuun iyo shuban biyo badan ah, oo ay ku jiraan sagaal dhimasho. In ka badan 1,000 kiis cusub ayaa la diiwaangeliyay bishii ugu dambeysay, iyadoo ku dhowaad kala bar kiisaska ugu dambeeyay ay ku dhaceen carruur ka yar shan sano.