Dagaalka Lagula Jiro Al-shabaab oo Dawladda Dalka Kenya Dalbatay in Laga Taageero.

0
303

Dowladda Kenya ayaa daaha ka qaaday baahida loo qabo taageero caalami ah si loo xoojiyo dadaallada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda u saareysa baahida degdegga ah ee loo qabo in la buuxiyo saldhigyadii ay ka baxeen qaar kamid ah Ciidamada Howlgalka Midowga Africa.

Taliska Ciidanka Difaaca Kenya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guud, General Charles Kahariri, ayaa toddobaadkan la kulmay Taliyihii hore ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (US AFRICOM), General Michael Langley, isagoo uga warramay walaaca Kenya ka qabto xaaladda amni ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay KDF ayaa lagu sheegay in General Kahariri uu muujiyey walaac xooggan oo ku saabsan hoos u dhaca tirada ciidamada Afrikaanka ee jooga Soomaaliya, isagoo ka digay in arrintani ay halis gelin karto horumarkii laga gaaray xasilloonida dalkaasi.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay dib u cusbooneysiiso taageerada ay siiso geeddi-socodka nabadda Soomaaliya iyo dadaallada xasilinta Geeska Afrika.

Si loo yareeyo khatarta ka dhalan karta ka bixitaanka ciidamada, Kahariri wuxuu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Kenya ay la galeen Soomaaliya heshiisyo amni oo labo-geesood ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carabka ku adkeeyay in heshiisyadaasi aysan noqon karin kuwo waara haddii aan la helin taageero caalami ah oo xooggan.

Kenya waxay si cad ugu dhawaaqday baahida loo qabo iskaashi caalami ah si loo ilaaliyo amniga gobolka, iyadoo diiradda la saarayo Soomaaliya oo ah xuddunta khatarta argagixisada ee Geeska Afrika.