Max’uud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay dadka ka yimid qurbaha inay anshax xumo ka bilaabeen xeebta Liido oo ah meel loo dalxiis tago halkaasoo laga furay Maqaayado laga cunteeyo Iyo Bar Sida Kalaapyada Caalamka Lagu Cabo Qamriga.
Munaasabad looga hadlayay Nadaafada oo galabta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Ka sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka anshax xumada kawada xeebta Liido Talaabana Laga Qaadi Doono Dadkaasi.
“Badeena quruxda badneyd ee jimcaha iyo Sabtida la tago waxaa ka bilaaban rabta anshax xumo, dadka reer Yurub ka yimidee Mareykanka iyo meelaha kale ka yimid ee isu heysta inay ka dhaqan sareeyaan dadka kale waxaan leenahay dhaqan ma heysiin ee hala idin dhaqan celiyo”ayuu si kulul u yiri Gudoomiye Tarsan.
Mudane Tarsan ayaa sheegay in aanay marna aqbaleyn dadka qaawan, gaar ahaan haweenka u dabaal taga Xeebta, isagoo ku amray Ciidamada ilaalada xeebaha inay amar u qabaan inay 24-saac ay xirto Dadkii Ay Anshax Xumo Ku Arkaan.
Hadalkaani Ka Soo Yeeray Gudoomiyaha G/ Banadir Mudane Tarsan Ayaa Imaanaya Xilli maalmaha jimcaha Xeebta Liido Ay u dabaal tagaan dadweyne fara badan oo qaarkood qurbahaka yimid, iyadoo maalmihii u dambeeyay Xeebta ku soo badanayeen gabdho ku dabaasha dhar qafiif ah, oo jirkooda laga dhex arkayo, iyadoo taas tahay mid Aanu Qabin shareecada Islaamka.




