DENES ALEXIS OO LA XAQIIJIYEY IN UU WALI NOOLYAHEY,IYO HALKA UU KU SUGANYAHEY..

0
492

Sarkaalki faransiiska ahaa ee ciidamada faransiisku ku guul dareysteen in ay soo furtaan ayaa la xaqiijiyey in uu noolyahey kuna suganyahey tuulo ka mid ah gobolka baay oo hoostagta degmada qasaxdheere.

Denes alexis ayaa ah sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka faransiiska,kaasoo gacanta ugu jira dagaalyahanada alshabaab in ku dhaw 3sano ayey shabaab sheegeen in ay noloshiisa go’aan ka gaarayaan 2 beri gudahood iyadoon laba arimood midkoodna aan laga sugeyn alshabaab waa mide in ay shuruud la’aan siidaayaan iyo in ay gacantooda ku toogtaan,dawlada faransiisku waxey isku qaldeysaa burcadbadeedda iyo alshabaab ayuu yiri gudomiye kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic oo wax laga xumaado ku tilmaamey in sidii la doono laga yeelo dalka soomaaliya iyo dadkiisa ileen dawlad malahee,waxaana uu intaa ku darey timajilic qofki ama dawladi rabta in ay wax haleyso alshabaab ayey ku marmarsooneysaa waana taas mida ay m/weynaha barlamaanka iyo xukuumada daciifka ahi ka baqayaan hadii ay ka hadlaan in lagu dhibaateeyo,mana aha sidaas sida ay kuligood ku dhaarteen in ay ilaalinayaan danta dalka dadka iyo diinta.

Waa markii ugu horeysey ee leysku dayo in alshabaab xoog wax looga soo furto balse tan ayaa noqoneysa cashar lama ilaawaan ah oo dawlado badani ku cibro iyo caqli qaadan doonaan.