Booliska AMISOM Iyo Kuwa Dowlada Somalia ayaa maanta si wada jir ah howl galo lagu bur burinayay dhismayaasha sharci darada ka sameeyay Suuqa degmada Xamar weyne oo mudooyinkii u dambeeyay ka jiray dhismayaal laga sameystay dhinacyada wadada laamiga Kuwaasoo Ay Si Ganacsi Ahaan Ay U Dhisteen Dadka Maanta Laga Dumiyey.
C/llaahi Sahal Gardhuub Gudoomiyaha D/ X.weyne ayaa sheegay in howl galkan uu qeyb ka yahay sugida amaanka, iyo sidii lagu furi lahaa wadooyinka laga sameystay dhismayaasha sharci darada, isla markaana dib loogu soo celiyo nidaamkii Hore.
Ciidamadaani Maanta Howl galka Ka Fuliyey X.weyne oo ahaa kii u horeeyay ee laga sameeyo Suuqa Xamar weyne ayaa la arkayay ciidamada oo ku amraya ganacsatada inay fujiyaan sandaqadaha wadada dhinaceeda ka sameysteen.
2009-kii Wixii Ka Dambeyey Ayaa Suuqa X.weyne aad u soo camirmayay, xilligaas oo suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ay hareeyeen dagaaladii Muqdisho ku dhex marayay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Xoogaga dowladda ka soo horjeeday Ee Al-Shabaab.




