Qaar kamid ah ciidamada illaalada xeebaha soomaaliya reer galbeedkuna yaqaaniin burcad badeed oo sheegey in ay soo afjareen hawlgal ay in muddo ah isu xilsaareen.

0
439

Qaar kamid ah ciidamada illaalada xeebaha soomaaliya reer galbeeka iyo gaaladuna u yaqaaniin burcad badeed ayaa sheegey in ay soo afjareen hawlgallo lagu ilaalinayey badda iyo xeebaha soomaaliya ayna iyagu isu xilsaareen,maadaama caalamki dareemey gardarada kheyraadka baddeena laga xadayo.

Anagu bey yiraahdeen ragani waxaan marki hore u galney hawshaan in aan dunida dareensiino dhibaatada nalaku hayo waanan dareensiiney oo maanta waxey qarash farabadan ku bixiyaan ilaalinta maraakiibta waxaan hadana eegeynaa sida ay bal badeenana u ilaaliyaan,hadii ay baddeena ilaalinwaayaan sida ay maraakiibtaba u ilaalinayaan waxaan la imaan doonaa qorshe cusub oo ka khatar iyo khasaare badan ayuu yiri maxamed cabdi Afweyne oo ah taliyaha ciidamadaas hawlihii badda soo gabangabeeyey.

Warkan la xiriira ciidamadan oo tiradoodu dhameyd 125 askeri ayaa waxey kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan warbixin ay daabacdey hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan badaha iyo deegaanka lagu sheegey in hoos u dhac weyn laga dareemayo afduubka maraakiibta mareysa badweynta hindiya iyo xeebaha soomaaliya,waxeyna maanta si shuruud la’aan ah ugu wareejiyeen maamulka xibin iyo xeeb sadex nin oo u dhalatey dalka syria kuwaasoo maamulku sheegey in loo dhoofin doono meesha ay iyagu rabaan in ay aadaan maadaama ay xoriyadooda dib u heleen,wuxuuna m/weyne tiiceey ugu baaqey ciidamada kale ee wali badda kujira in ay kasoo baxaan oo ay si nabad ah dadkooda wax ula qabsadaan.