Axmed maxamed cali shandile oo ka mid ah qurbajoogta soomaaliyeed ee ku nool dalka mareykanka oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa sheegey in uu dadka soomaaliyeed uga digayo dhul aabihiis lahaa oo boob looga heystey,dhulkaas oo ay ka boobeen dadka kala ah xasan waqooyi,cambe cambe,maryan baadi,dhulkaas anaga ayaa iska leh waanan uga digayaa dadka hadda ku haminaya in ay gataan,sidoo kale axmed maxamed cali ayaa sheegey in dhulkaas barxad uu lahaa oo ku jeedda laamiga uu dhistey ninka lagu magacaabo daahir bakiin.
Dhulkaas dukumintigi aan ku milkiney aniga ayaa gacanta ku haya nin talyaani ah ayaa cabirey,dadka magaalada muqdisho degenaan jireyna wey yaqaaniin ogyihiina in dhulkaas oo derbi ku wareegsanyahey aan laheyn,isaguna uu aad u yaraa maantana nasiib wanaag uu hadli karo difaacana karo xaqii aabihii uga dhintey,isla markaana dawlad cadaaladihi ay dalka ka jirto,waxaanan doonayaa in aan xamar imaado insha allaah dacwadna aan geysanayo maxkamadaha.
Hadaba waxaan mar labaad uga digayaa in ay hanti iska geliyaan dadka kala ah daahir bakiin iyo sahro shekh xuseen oo aan maqley in ay rabaan in ay wax aysan laheyn ka iibsadaan maryan baadi iyo cambe cambe oo labaduba dhulkaas xoog ku heystey anagoo agoon ah kadibna dalka iskaga cararney culeys iyo cadaadis aabahey kasoo wajahey dawladi maxamed siyaad barre,aabahey geeridiisa waxaa sabab u ahaa jir dil iyo xabsi ay u geysatey dawladii maxamed siyaad barre kuwanina wey is baheysteen noona shawreen iyagoo dhamaantood been abuur iyo xaq darro ku kala goo goostey dhulkeeni aan anagu dhaxalkiisa laheyn.
Ugu danbeynti anigoo dadka soomaaliyeed salaamaya ayaan rabaa in aan u digo cidii alle ka baqeysa dulmi farabadan oo aasan ayaa jira ee qof walbaw ku xisaabtan waxaa lagu weydiinayaa wax walba sida ay kugu soo galeen,waliba maal agoomeed ninki u bareerey wuu kasii daranyahey ee maanta waxaan idinka codsanayaa in aad iigu hiilisaan xaqa iyo caddeymaha aan wato ayuu hadalkiisa kusoo gabangabeeyey md.Axmed Maxamed Cali (shandile).




