Labo gabdhoodoo da’yar isla markaana ah reer afgooye oo ay kufsi u geysteen rag ka tirsan ciidamada xoga dalka soomaaliyeed,markii leysku dayey in la soo qabtana maxey faleen?

0
513

Rag ka tirsan ciidamada xogga dalka soomaaliyeed ayaa kufsi ugu geystey agagaarka afgooye labo gabdhood oo da’yar,kuwaasoo markii leysku dayey in la soo qabtana diley mid kamid ah askartii loo direy,halkaasna ay ka baxsadeen oo aan gacanta lagu dhigin.

Gudoomiyaha gobolka maxamed c/qaadir seydii ayaa sheegey in uu ka xunyahey ficilada noocan oo kale ah uuna uga tacsiyadeynayo dadka reer afgooye isagoo dawlada dhexe ka codsadey in gobolka la keeno ciidamo boolis iyo nabadsugid ah hadii la waayana loo tababaro kuwo deegaanka kasoo jeeda,waana markii afaraad ama shanaad ee uu gudoomiyaha gobolku codsigan oo kale jeediyo,isla markaana aysan cidina ka hoos qaadin ama ka jawaabin.

Kufsigan naxdinta iyo murugada leh ayaan aheyn mid shareecadda islaamku ay ogoshahey,madaxweynaha dalka xasan sheekhna wuxuu dhawaan sheegey in la toogan doono qofki sameeya kufsi,mana jirto cid loo soo qabtey ama la toogtey kufsiyo la geystey oo badanaaba ka dhaca meelaha ay degenyihiin dadka barakacayaasha ah ee magaalooyinka ku dhex nool,waana nasiib darro in nin ciidan ahi u bareero ku xadgudubka gabar walaashiis oo kale ah,iyadoo hadii leyska fiirsado keeni karta cuquubooyin alle xagi ka yimaada.