Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo kulankoodi koowaad ee sanadkan 2013ka ku yeeshey xaruntooda muqdisho

0
472

Kulanki koowaad ee sanadkan 2013ka ayaa xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ku yeeshey xarunta dhexe ee muqdisho,kulanka oo uu gudoominayey gud.kuxigenka xmjs/usrp md cali maxamed nuux timajilic ayaa waxaa looga hadley qodobo kala duwan.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee kulanka lagaga hadley ayaa waxaa kamid ahaa lacag la sheegey in ay dalka kusoo wajahantahey taas oo ah shillin soomaali ay sameeyeen dawladihi kumeelgaarka,lacagahaas oo hore muran siyaasadeed iyo khalkhal dhaqaale geliyey dalka kuwaasoo xisbigu walaac ka muujiyey sheegeyna in maanta aan loo baahneyn lacago sicir barar iyo dhib cusub wata,hadii lacag la sameynayana loo baahanyahey lacago lagu sarifo kunka shillin ee aynu hada isticmaalno sida 20,50,100,500 iwm.

Lacagahaasi waxey ka koobanyihiin baa la yiri 2000,5000,10.000,20.000,iyo 50.000 mana aha kuwo ka turjumaya dhaqaalaha dalka waxeyna keenayaan sicir barar iyo shillinka oo qiima dhaca.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadley barlamaanka oo dhawaan ansixiyey miizaaniyad doolar ah iyadoo leys weydiiyey halka ay ka baxdey lacagti dalku lahaa,ismana waafiqi karaan baa la yiri waxaan wax ku saleyneynaa lacag aanu dalku laheyn waxaanan soo sameyneynaa lacag cusub oo shillin ah hadii xubnaha barlamaanka iyo xukuumadu dhawri waayaan wadaniyada iyo shuruucda dalka cidana dhawrimeyso ee waa in xubnaha barlamaanku isisaxaan doolar anagu ma lihin waxaana lagu jaangooyaa lacagtaada ee doolar wax malagu saleeyo waxaan barlamaanka ka rabnaa miizaaniyada sanadka 2013 waa intaas sh.so billion, oo u dhiganta intaas oo dolar.

Shirarka nuucan oo kale ah ayuu xisbigu todobaadkiiba mar yeeshaa isagoo diirada ku saara hadba mawduucyada ka jira dunida dacaladeeda iyo dalka gudihiisaba kuwaasoo isugu jira dhaliil,amaan,iyo toosin intaba,ugu danbeyntiina kulanka xisbiga midnida jamhuuriga soomaaliyeed ayaa kusoo gabangaboobey jawi hagaagsan iyo is afgarad.