Ra’iisalwasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha debedda fawsiyo xaji aadan oo la kulantey dhigeda dalka ingriiska wilyam heyk…

0
485

Wasiirada arrimaha debedda ahna ra’iisalwazare ku xigen fawsiyo xaaji aadan ayaa la kulantey dhigeeda wilyam heyk iyagoo isla soo qaadey adkeynta xiriirka labada dal iyo in la dhaqaajiyo wada hadaladi kal hore london ka dhacey ee u dhaxeeyey somaaliya iyo somaliland.

Wasiirada oo casho sharaf loo sameeyey ayaa sheegtey sida ay ugu faraxsantahey dawlada ingiriisku gacansiinta ay soomaaliyo la dhinac joogto,iyadoo sidoo kale wilyam heyk uu isna sheegey in soomaaliya ay dawlada ingriisku hada usoo jeedo,dhinacyo badana la filayo in wax laga qabto,labada masuul ayaa sidõo kale isla soo qaadey sidii dib loogu hawlgelinlahaa safaaradi iyo qusiliyadii ay soomaaliya ku laheyd dalka ingriiska.

Fawsiyo xaaji aadan qabile oo booqashooyin ku kala bixineysey wadamada adduunka ayaa safarkani yahey kii ugu horeeyey ee ay dalka ingriiska ku tagto tan iyo intii ay noqotey wasiirada arrimaha debedda ahna ra’ìisalwazare kuxigeen,fawsiya ayaa kasoo jeeda somaliland kana timid kadib markii ay ku guuldareysatey sameynta xisbi siyaasi somaliland ka jirey.