Gudoomiyihii Maxkadama Xarar-yaale Oo Dharaar Cad Rag Hubeysani Ay Ku Toogteen Magaalada Muqdisho.

0
496

Rag Ku Hubeysan Biskoolado Ayaa Maanta Waxa Ay Toogteen Gudoomiyihii Maxkamada Xararriyaale galabta magaalada muqdisho.

Masuulkaani lagu Dilay magaalada muqdisho ayaa la sheegay in xoogag hubeysan ay khaarijiyeen xilli uu ku sugnaa wadada 2-aad ee Suuqa Bakaaraha Halkaaso Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya.

Sarkaalkaani ladilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan iyadoona uu Meeshii ku Quurbaxay.

Falkaani Dilka Ah Goobta Uu ka dhacay Ayaa waxaa soo gaaray ciidamo badan oo katirsan Dowlada balse laguma guuleysan in gacanta lagu dhigo kooxihii weerarka Ka Dambeysay.

Kooxahaani Falalk Dilalka qorsheysan Ee ka dhanka ah saraakiisha DF-ka iyo taageerayaasheeda Geesta ayaa Muqdisho kusoo batay bilihii lasoo dhaafay waxayna tani muujinaysaa in ammaanka caasimadda uu yahay mid aan laysku Haleyn Karin Maadaama Ay Shaqsiyaad Bartilmaadsanayo Masuuliyiinta Dowlada Ay Amni Daro Baahsan Ka Wadaan Dalka Soomaaliya Oo Ay Amnigeedii Balan Qaadeen Saraakiisha Ciidamada In Ay Wax Weyn Ka Qabanayaan.