Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxaa caawa fiidka ka dhacay qarax xoogan
Qaraxa ayaa lagu weeraray fariisin ay ciidamada jabuuti ee ka tirsan amisom ku leeyihiin gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiran
wararka laga helayo hiiraan ayaa intaa ku daraya in qarax uu ahaa nuuca bambaanooyinka gacanta laga tuuro
Ma Cadda ilaa iyo haatan qasaaraha qaraxaasi maadaama xili habeen ah ay tahay iyadoo taasina ay sii dheer tahay in ay adag tahay ofaanshaha khasaaraha ka dhaca goob ay ciidamad amisom ku sugan yihiin




