Qarax lala damacsanaa in lagu qaarajiyo gudoomiyaha gobolka banaadir maxamuud axmed nuur tarsan ayaa la fashiliyey,qaraxan oo la doonayey in xafiiska gudoomiyuhu ku leeyahey xarunta gobolka banaadir ayaa la qabtey ninkii wadey,waana miinada meesha fog laga hago.
Sida wararka lagu helayo qaraxa ayaa waxaa kasoo hormarey macluumaad aan la ogeyn halka uu kasoo baxey,cidda fulineysey iyo cidda lagu fulinayey sirdoonkooda,iyo in gebi ahaanba qaraxani yahey mid la abaabuley oo dano siyaasadeed laga leeyahey midna lama oga,balse waa qatar qof u xiranyahey.
Qofka xiran oo qaraxa lagu qabtey ayaa kamid ah sida la sheegayo agaasimayaasha maamulka gobolka banaadir,taas oo keeni karta is aamin daro maamulka soo kala dhex gasha in arrintani horseed u noqoto,oo aan hada iyo wixii ka danbeeya qofna qof aaminin,afhayeenka maamulka gobolka banaadir maxamed yuusuf oo warbaahinta la hadlayey ayaa xaqiijiyey dhacdadan ugubka ku ah maamulka gobolka banaadir.




