Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliyaa Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Ukraine Andrii Sybiha, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Qoraal kooban uu soo dhigay barta uu X ku leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukrane Andrii Sybiha waxa uu ku xaqiijiyay inay qadka telfoonka kuwada xiriireen isaga iyo dhigiisa Soomaaliya ayna ka wada hadleen inay xiriir wada yeeshaan labada Dowladood.
“Waxaan uga mahadceliyey Soomaaliya taageerada ay siisay madax-bannaanida Ukraine iyo midnimada dhuleed,” ayuu yiri wasiir Andrii Sybiha.
Wasiirka waxa uu shaaca ka qaaday baahida loo qabo in la sameeyo xiriir diblomaasiyadeed, lana ballaariyo iskaashiga labada dhinac uu ula jeeday Dowladaha Ukraine iyo Soomaaliya.
Dowladda Ukraine sanado waxaa ka jira colaad kala dhaxeeya Dowladda Ruushka oo dooneysa in qeybo kamid ah dhulka Ukraine ay ku darto wadankaasi Ruushka.












