Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo askartii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee dhawaan lagu dilay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Aaska askartaan ayaa imaanaya, kadib markii waxgaradka Beelaha Xawaadle iyo Abgaal isku fahmeen in ugu horeyn la aaso meydadka, dabadeedna ay ka xaajoon doonaan wax walba oo xal u ah xiisadii ka dhalatay dilka askartaan oo qabiil ahaan loo dilay.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale jartay warqadda lagu soo qabanayo ilaa 14 ruux oo ku eedeeysan iney ka dambeeyaan dilkii arxan darada ee loogu geystay askarta deegaanka Ceel baraf.
Dowlada Fedaraalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga carooday in qabiil ahaan loo beegsado askarta ciidamada qaranka, waxaana dilka askartaan uu noqday mid muujinaya in heerka dagaalada qabiil uu gaaray halkii ugu dambeysay.
Ugu dambeyntii dadka Soomaaliyeed ay si gaar ah indhaha ugu haayo halka kiisaan carada badan dhaliyay ay dowladda fedaraalka Soomaaliya kusoo afjari doonto.












