Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Jabuuti ayaa qaadan doonta hal maalin, waxaana inta uu joogo Jabuuti sidoo kale uu diirada ku saari doona kulamada madaxda dalkaasi uu la yeelanayo wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.
Dowladda Jabuuti waxa ay qeyb weyn ka qaadataa Howlgalka ATMIS ee bishaan uu ka dhamaanayo mandate ka howlgalkoodi iyagoo door firfircoon kulahaa howlgalkaan dhamaaday iyagoo joogay gobolka Hiiraan.
Todobaad gudahiisa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu safrayaa dalkii 2aad ee Bariga Afrika waxaana safarkaan kaga horeeyay mid uu kutagay magaalada Asma ee dalka Erateria halkaasi uu kulamo kula qaatay Madaxda dalkaasi kuwaasi oo ka walaacsanaa qodobadii kasoo baxay Shirkii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhameeyeen khilaafkoodi ka dhashay heshiiskii ay Somaliland la gashay Itoobiya.












