Madaxweyne xasan sheekh maxamuud oo duulimaadkiisi lixaad maanta ugu duuley dalka jabuuti tan iyo markii xilka m/weyne loo dhiibey……….

0
497

Madaxweynaha federalka soomaaliya prof xasan sheekh maxamuud iyo wafti uu hugaaminayo ayaa safarkiisi lixaad ugu duuley dalka jabuuti isagoo ka qeybgeli doona sanadguuradii 40’aad ee qoraalka afka soomaaliga.

Madaxweynaha ayaa sameeyey labo safar diyaaradeed oo dalka gudihiisa ah iyo sadex uu hore ugu kala tegey jabuuti,ethiopia, iyo turkiga kanina waa safarkiisi lixaad oo uu mar labaad ku laabtey dalka jabuuti,kadib markii m/weynuhu tagi waayey booqosho uu ku tagi lahaa dalka kenya,taas oo aan la cadeyn sababta uu uga baaqdey,warar leysla dhexmarayo ayaa sheegaya in kenya diidey in m/weynuhu booqasho ku tago dalka kenya.

Safaradan ayaa imanaya xili dawladii hore ee sheekh sharif uu m/weyne gurguurte uu isaga laftiisu dhaliili jirey safarada madaxtooyada isagoo tilmaamayey waqtigaas in qarashkaasi uusan ka go’i karin qarankan burburey balse maanta taa wuu laaley,waxeyna u egtahey nin tuur leh isagaa kaa og siduu u seexanlahaa.