Qaraxyo is xig xiga oo ka dhacey SLII Nairobi hottel lagu caweeyo oo dhimasho iyo dhaawacyo farabadan laga soo sheegayo…..

0
487

Qaraxyo is xig xiga isla markaana gaaraya ilaa sadex qarax ayaa caawa ka dhacey SLII Nairobi kenya,iyadoo la sheegayo dhimasho iyo dhaawac aad u badan,iyadoon wali laheyn tiro koob rasmi ah.

Qaraxyadan ayaa waxey ka dhaceen xaafad lagu magacaabo jujured oo ka tirsan degmada kamakuji,waxaana la sheegayaa in labo qarax ay ka dhaceen meel hottel lagu caweeyo oo ay gaaladu ku cabbaan qamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya,waxaana goobjoogayaal ku sugan halkaasi ay sheegayaan in meydku is dhex daadsanyahey dhaawacana la gurayo dadkiina la kala garan la’yahey,lama oga cida sida rasmiga ah uga danbeysa qaraxyadan ku kooban deegaanku soomaalidu u badantahey.

Qaraxyadan ayaa imanaya xilli xildhibaanki degmada kamakuji yuusuf xasan uu dhawaan ku dhaawacmey qarax lamid ah qaraxyadan is dabayaalla ee aan la aqoon wali cida ka danbeysa.

Dad badan ayaa qaba in qaraxyadan ay ka danbeyso dawlada kenya iyadoo uga dan leh in soomaalidu ay khal khalaan hantidoodana ka cararaan,haka ay iyagu eedda saaraan waa kenyaanka’e xarakada alshabaab oo ciidamada kenya ka qabsadeen meelo gudaha soomaaliya ah oo ay alshabaab xukumi jireen,waxaana la sheegayaa in qaraxa kale uu isna ka dhacey meel aan sidaa uga fogeyn hottelka ku yiil easlleigh,wararkan oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo sheegeynaa insha allaah.