Heshiis u dhaxeeya dawlada turkiga iyo somaaliya kaas oo khuseeya ciidamada qalabka sida iyo tayeyntooda ayaa la saxiixey.
Heshiiskan ayaa dhinacyo badan ka saameyn doona ciidamada qalabka sida,kaas oo ay qalinka ku duugeen labada wasiir gaashaandhig ee labada dal waa turkiga iyo soomaaliya’e,heshiiska ayaa intiisa badan cadeynaya in dawlada turkigu ay qalabeyn tababarid iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee soomaaliya lagula heshiiyey mudo aan la qeexin.
Madaxweyne gurguurte ayaa dhawaan sheegey in dawladaha ethiopia iyo jabuti uu la galey heshiis iskaashi xaga ciidamada ah,laakiin wuu ka duwanyahey kan lala galey dawlada turkiga mana la shaacin,cabsi laga qabo in ay maseyraan ciidamada afrikaanka dalka jooga.
Waa heshiis kii ugu qiimo iyo qaayo badnaa ee ay gasho xukuumada uu madaxweynaha ka yahey xasan sheekh maxamuud gurguurte,kaas oo imanaya xilli uu dalku ku jiro marxalad cakiran ciidamo afrikaana oo farabadanina ay dalka gudihiisa ku suganyihiin.




