Waxaa maanta ku qarxey gaari kaarib laga soo buuxshey walxaha qarxa kaas oo sababey dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo ruux oo dhamaantood ku sugnaa wadada hareeraheeda.
Qaraxan ayaa lala rabey baabuurta qafilan ee amisom kuwaasoo u badan in ay adeegsadaan wadadaas maka almukarama hase yeeshee lalama helin halkii lala damacsanaa,waxaana mar qura istaagey isticmaalka wadada iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka wadada mareyey,waana wadada ugu mashquulka badan wadooyinka magaalada muqdisho.
Maahan markii ugu horeysey ee qarax sidan ookale ahi ka dhaco wadooyinka magaalada muqdisho hase yeeshee beryahan laguma arag qaraxan wadadan oo inta badan ay isticmaalaan xubnaha dawlada iyo ciidamada shisheeye ee dalkeena kuwaasoo loogu yeero AMISOM.




