Mid kamid ah wasiir kuxigeenadii shaley la magacaabey oo is casiley.

0
505

Abuukar xasan cali oo shaley loo magacaabey wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyada ayaa iska casiley xilkaas.

Iscasilaada w/kuxigeenka ayaa ku timid sida la sheegayo saluug ku jira beesha uu ka soo jeedo,isla markaana waxaa culeys lagu saarayaa m/weynaha iyo ra’iisalwasaaraha iyo guud ahaan maamulka xukuumada dawlada federalka soomaaliya.

Waa wasir kuxigenki koowaad ama shaqsigii ugu horeeyey oo ku gacan seyrey xil loo magacaabey,waxaana muuqata in tirada wasiirada la yareeyey ay bedeleen w/kuxigeno tiro badan,taas oo u eg jug jug meeshada joog iyo wax la mid ah.