Sheekh Yuusuf Sh Ciise Kaba-ku-tukade Wakiilka Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab Ee Gobolka Sh/dhexe oo saxaafadda la hadlay isagoo jooga magaalada Jowhar ayaa sheegay dagaalkii Qalimow ka dhacay habeen hore inuu billow u yahay howlgallo qorsheysan Ay Kula Dagaalamayaan Dowlada Soomaaliya Iyo Dowladaha Kale Ee Ku Sugan Dalka.
Kaba Kutakade ayaa Waxa Uu Sidoo Kale tilmaamay in ay ka warhayeen maalmihii la soo dhaafay abaabul dagaal oo Taliska Ciidamada AMISOM ay ka wadeen degmada Balcad si ay mar kale isugu soo dayaan weerar ay ku soo qaadaan deegaanada kale ee Sh/dhexe balse arrinkaas uu ALLAAH fashiliyay Sida Uu Sheegay Sheekha.
“Sheekh Yuusuf Kabakutukade“ Waxaan la soconay maalmahan in warbaahinada ay kaga hadaaqayeen iyagoo sheegaya in duulaan ay ku yihiin magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee Wilaayada, inaga dhankeena waan ka war celineynaa, waxaana leenahay dagaalkii Qalimow wuxuu billow u yahay howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah cadowga” ayuu yiri Sheekh Kaba-ku-tukade Oo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Al-shabaab La Hadlayay.
Maalmahaan Ayaa Waxa Soo Baxayay Warar madax banaan Oo sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan Al-shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen deegaano ka mid ah Sh/Dhexe, iyadoona la hadal hayo jabhadaha ka howlgala Sh/dhexe inay isu qeybiyeen dhamaan aagaga dagaalka ee Sh/Dhexe Si Ay Kaga Hortagaan Duulaanka Ay Dowlada Soomaaliya Qorsgeynayaan Inay Ku Qaadaan Gobolkaasi.




