Xalay Galinkii Dambo Ayaa Xarakada Al-shabaab Waxa Ay Weerar Xoogan Ku Qaadeen Saldhigyo Ay Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Amisom Ku Leeyihiin Xaafadda Gubta degmada Dayniile Ee Gudaha Magaalada Muqdisho.
Dagaalka Ayaa La Sheegay In Labada Dhinicba Ay Isku Adeegsaayeen hubka fudud iyo Kuwa Culus Iyadoona Ay La SocdeenMadaafiic Hoobiyayaal ah Oo Ay Al-shabaab Ku Garaacayeen Goobo Ka Baxsan Halka Ay Ku Hardamyeen
Goobaha xalay Ay Hoobiyayaasha Ku dhacayeen Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa agagaarka xarunta Madaxtooyo Iyo Gudaheedaba Iyadoona Uu Dagaalka ka danbeeyay markii cutubyo ka tirsan ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xalay saqdii dhexe fariisinka cadowga, iyadoona rasaastii la isku weydaarsanayay dagaalka ay u gudubtay deegaano ka mid ah degmada Yaaqshiid Iyo Qeybo Ka Mid Ah.
Mid Ka Mid ah Saraakiisha ka ciidamada Al-shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in gantaallada garbaha laga rido ay la dhaceen saldhigga Ciidamada Dowlada ee Xaafadaasi Iyo Gudah Xarunta Villa Somalia in kastoo uusan sheegin khasaaraha halkaas ku soo gaaray Dhankooda.




