Weeraro iyo qaraxyo ay ku qaadeen ururka alshabaab ciidamada puntland oo lagu laayey askar gaareysa 30 askeri

0
540

Weeraro iyo qaraxyo lala beegsadey ciidamada puntland ayaa xarakada alshabaab ee uu hugaamiyo shekh maxamed atam ayaa waxey ku sheegteen in ay ka dileen ciidamo gaaraya 30 askeri.

Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacey meel u dhaxeysa boosaaso iyo laag oo ku dhaw buuraha galgala oo ciidamada alshabaab ee urur weynaha alqaacida ay deganyihiin kuwaasoo dagaalo dhuumaaleysi ah ku qaada ciidamada puntland.

Dagaalada u dhaxeeya puntland iyo alshabaab ayaa marba marka ka danbeysa sii xoogeysanaya shacabka puntlandna muran siyaasadeed ayaa waqtigan ku dhex jira murankaas oo ka dhashey muddo kordhin la sheegey in uu rabo m/weyne faroole.