Waxaa allaha u naxariistee axmed codeey oo ahaa mid kamid ah odey dhaqameedkii ansixiyey dastuurka lagu toogtey degmada dharkeynley ee gobolkan banaadir.
Sida wararku ay sheegayaan marxuumka ayaa waxaa laga qaatey bistoolad uu watey iyadoon la ogeyn asbaabaha loo diley in ay la xiriirto bistoolada uu watey iyo in arimo kale jiraan.
Sidii loo qaadey isbaarooyinka waxaa isasoo taraya falal aan hore magaalada uga dhici jirin oo ka mid tahey guryo loo dhaco oo la bililiqeysto iwm kuwaasoo habeenadan laga soo sheegayo meelo kala duwan oo muqdisho kamid ah.




