Waxaa goordhaw si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowlada Fedaraalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo madaxda Golaha diiradda ku saarayaan xaalada amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Shirka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Mugadisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.Shirkaan goordhaw u furmay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ka maqan Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo wali khilaaf adag kala dhaxeeyo madaxda dowladda fedaraalka, waxaana shirkaan furimitaankiisa uu imaanaya, iyadoo mudo dhowr jeer oo hore uu baaqday qabsoomidiisa.





