Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Ayaa Markale Waxa Ay Weerar Dhaba Gal Ah Ku Qaadeen Wefdi ka koobnaa wasiirka gaashaandhiga, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, wasiirka garsoorka, taliyaha ciidanka xooga dalka, taliyaha Booliska Iyadoona Uu maantana weerarka Ka Dhacay Meel Aan Sidaa Kaga Gogeen Goob Shalay Ay Kamiin Ugu Dhigeen Al-shabaab Saraakiil Ka Tirsaneyd Dowlada.
Dhaba Galkaani Weerar Oo Ay Al-shabaab Ku Soo Qaadeen Waziirada Ayaa ka duwanaa kii shalay waxaana ciidamo Boolis ah isla amrkaana ilaalo u ahaa taliyaha booliska Soomaaliya Dhulka loogu Aasay miinada taas oo la kacdey gaari ay saarnaayeen.
Inta La Xaqiijiyay Miinadaasi waxaa ku dhaawacmey 4 askeri halka mid kalena Uu ku dhintey, kadib qaraxa gaarigu markii uu dhacay ayaa waxaa bilowdey rasaas too Xoogan waxaana ciidamadii wefdiga ilaalinayey ay isticmaaleen hub xoogan oo ay ku garaaceen goobta loo galay, oo ahayd meel biyo iyo dhirtu is qabsatey.
Iska Caabin Dabadeed Dagaalyahanada al-shabaab ayaa meesha isaga baxay waxaana u suurta gashey wefdigu in safarkoodi ay sii wataan markii ay soo gaareen garoonka 50km ayaa waxaa la ba kamid ah dhaawacii Booliska qaadey diyaarad Helicopter Oo Laheyeen Qaramada.
Shalay ayey ahayd markii wefdigan loo galey duleedka magaalada Shalanbood iyaga oo ku sii jeeda magaalada marka inkastoo Uu weerarkaas wax khasaaro ah ka soo gaarin Balse Kan Maata Ay Qasaaro Xoogan Kala Kulmeen.




