Maamulka Gobolka Banaadir Ee Mujaahidiinta Al Shabaab Iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir Oo Kawada Hadlay Ka Qeyb Qaadashada Dagaalada Muqdisho Ka Socda

0
572

Kulakaani oo ahaa mid xasaasi ah ayna ka qeyb galeen gabi ahaan ganacsatada ugu waaweyn ee Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho

Sh. Maxamed Abuu C/raxmaan oo ah gudoomiyaha gobolka banaadir ee Mujaahidiinta Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay Kulankaasi ka Dib ayaa Sheegay In ay kawada Hadleen Ganacsatada Iyo Walaayada banaadir Sidii la isaga Kaashan lahaa Dagaalka Looga Soo Hoejeedo Ciidamada Shisheeye Ee Ku Soo Duulay dalka Soomaaliya Iyo Kuwa taageera Isagoona Sheegay In Gabi ahaanba ay Isku Raaceen In Si wada Jir Loola dagaalamo Ciidamada Shisheeye

Sidoo kale Shiikha ayaa Xusay In Ganacsatada ay balan qaadeen In ay Hiil Iyo Hooba Ku taageeraan dagaalka Jihaadka ah ee Ka Socda dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho

Si Kastaba Kulankaani ayaa Ku Soo Beegmayaa Xili Dhawaan Ciidamada Ka Socda Uganda Iyi Brundi ay Duulaan Gar Darro ah Ku Qaadeen Suuqa Bakaaraha Oo ah Xudun ganacsi ee dalka Soomaalia

 

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

*

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)