Waxaa dib ugu soo laabtey dalka m/weyne xasan sheekh maxamuud iyo wafti uu hor kacayey kuwaasoo booqasho ku tagey dalalka D/jabuuti iyo ethoipea.
Madaxweynaha iyo wufuuda uu hugaaminayey ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey gud.barlamaanka,ra’iisalwasaare saacid,wasiiro iyo dadweyne kale oo farabadan,isagoo saxaafada kula hadley qolka soo dhaweynta garoonka aadan cadde airport,wuxuuna xasan sheekh sheegey in dawladaha ay booqdeen lasoo galeen heshiis xaga dhaqaalaha iyo amniga ah.
Waa markii labaad ee uu dalka debadiisa u dhoofo tan iyo intii uu xilka qabtey m/xasan sheekh,kaas oo aad iyo aad loola yaabey khudbadii uu jeediyey waqtigii uu garabka ka taagnaa ra’iisalwasaare heylaha ethoipea,kaasoo ay ka muuqatey baqdin iyo tanasul badan oo aanu isagu habayaraatee aanu waxba tanasula ka helin ra’ìisalwasaaraha iyo shacabka reer ethoipea maadaama ay soomaaliya iyo ethoipea ay ka dhaxeyso qadiyad ay u dhinteen dad badan oo malaayiin soomaali ah,taas oo aanu shaqsikaliya si sahlan u oran karin waa maanta iyo bog cusub oo iskaashi iyo wax wada qabsi ah,waxaanan wada sugeynaa fekerada ay kala bixiyaan dadka soo maaliyeed ee wadaniyiinta ah.




