Xaflad lagu maamuusayo maalinta loo asteeyey cudurka HIV/AIDS oo lagu qabtey xarunta dhexe ee xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed.

0
486

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayna soo qabanqaabiyeen waaxda la dagaalanka cudurka hiv/aids ee xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo loo soo gaabiyo RP/NAC ayaa maanta oo ku aadaneyd maalinta loo asteeyey cudurka hiv/aids ka dhacdey xarunta dhexe ee xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uu ku leeyahey magaaladan muqdisho.

Xafladda oo uu soo qabanqaabiyey gudiga waaxda la dagaalanka cudurka hiv/aids oo loo soo gaabiyo RP/NAC (republican party/national aids commision) ayaa waxaa kasoo qeyb galey madaxda xisbiga midnimada,aqoonyahano,dadka la nool cudurka iyo dadweyne kale.

Waxaa xaflada ugu horeyn ka hadley gud kuxigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed cali maxamed nuux timajilic isagoo sheegey in maanta sidii hore ay dadku ka wanaagsanyihiin xaga wacyi gelinta loona baahanyahey in la sii adkeeyo ka hortaga iyo la dagaalanka cudurkan,isla markaana la daryeelo dadka cudurkan la nool,waxaana sidoo kale loo baahanyahey buu yiri timajilic in maadaama laga gudbey kumeelgaarkii m/weynaha iyo xukuumada laga rabaa in ay u istaagaan sidii loo dhisi lahaa gudi qaran oo hawshan qarka ku metela kaas oo mideeya qeybaha hada loo kala shaqeeyo oo dad gaar ahi si khaldan ugu adeegtaan.

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadley madax iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood sheegey in aan indhaha laga qarsan karin khatarta cudurkan dadkuna ay u bislaadeen in cudurkan laga hadlo oo aan laga xishoon,mid kamid ah dadka la nool cudurkan ayaa sheegey in uu u mahadcelinayo gudiga waaxda la dagaalanka cudurka hiv/aids oo magacooda loo soo gaabiyo RP/NAC isagoo sheegey in ay ka cawiyaan xaga noloshooda iyo dawooyin ay si joogta ah uga helaan isagoo codsadey in baahidoodu ay kasii badantahey waxa ay siiyaan gudiga waaxda la dagaalanka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ee RP/NAC isla markaana ay dawlada iyo cid kasta oo wax noo tari karta ka codsanayaan in la taakuleeyo oo aan lagu nicin cudurka uu alle u keenay,si buu yiri aan annaguna bulshada uga ilaalino cudurka.