Guddoomiyaha Maamulka Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir
Maamulka Degmada wadajir ayaa ku guuleystay inuu si nabad ah u qaado isbaaarooyinkaas maadaama degmada wadajir ay kamid aheyd goobaha ugu isbaarada badan Caasimadda Soomaaliya marka lagu daro degmada ay deriska yihiin ee Dharkenley Oo Iyana Ka Qeyb Aheyd Goobaha Sida Sharci Darada Ah Gaadiidka Looga Qaadayay Lacago Baad Ah.
Axmed Xasdan Cadow (Axmed Daaci) Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyay inaysan suurta gal aheyn in mar kale degmadiisa lagu arko jidgooyooyin haatanna uu fuliyay ammarkii Madaxweynaha kasoo baxay.
Sidoo Kale Daaci Ayaa Xusay In Ay Dowlada Soomaaliya Hogaan Ay U Yihiin Islamarkaana Ay Degmadiisa Wax Shaqaaqo Ku Aadan Isbaaro Sharci Daro Ah Ka Dhici Doonin Siduu Axmed Daaci Sheegay
maalmihii La Soo Dhaafay Ayaa Waxaa Magaalada Muqdisho Iyo Qeybo Ka Mid Ah Gobolada Dalka Ka Socday Howl Galo Lagu Dabar Goynayo Jidgooyooyinkii Sharci Darada Ahaa Kaa Oo Gaadiidka Dhibaatada Ugu Badan Ay Ku Qabeen.




