Iyadoo ay berito ku beegantahey 23ka nov.oo loo asteeyey maalinta saxaafada,sanadkan 212dana uu yahey sanadkii ay ugu badnaayeen wariyeyaal la dilo ama la dhaawaco isla markaana la filayey in hey’adaha dawladu ay dhiirigeliyaan,dhawraana xuquuqda saxafiyiinta ayaa hawlwadeen ka tirsan warbaahinta dawlada oo lagu magacaabo maxamed xuseen jentalman wuxuu soo bandhigey cabashadan.
Maxamed xuseen jentalman waa wariye ka tirsan wasaarada warfaafinta boostaha iyo isgaarsiinta,wuxuu kamid ahaa wariyeyaashii ku dhaawacmey qaraxii guriga hooyooyinka,ma helin daryeel caafimaad iyo tixgelin la xiriirta dhibaatada soo gaartey,wuxuu sheegey in hada uusan wasaarada gudaha u geli karin loona diidey,isagoo ku eedeeyey diidmadaas in uu ka danbeeyo agaasimaha guud ee wasaarada c/risaaq bahlaawi isagoo diidan in cabashadeydu gaarto wasiirka,iyo w/kuxigenka wasaarada.
Maxamed xuseen jentalman wuxuu kaloo sheegey in musharada la siiyo shaqaalaha laga jaro sodon dolar qof kasta oo aan laga hadli karin qofkii ka hadla buu yiri jentalman shaqada in laga eryo ayaa loogu goodiyaa ama loogu hanjabaa,isagoo intaa ku darey in aan xuquuqda shaqaalaha warbaahinta la dhawrin taas oo sumcad xumo ku ah guud ahaan wasaarada gaar ahaan masuuliyiinta uu magacaabey wariyuhu fartu wey ku godantahey,waxaana dhici karta in kulamada lagu maamuusayo 23ka nov in lagu soo qaato cabashadan,waana nasiib daro in wariyeyaasha dawladu ay cabashadan iyo wax la mid ahi ka soo yeerto.




