R/Wasaare Ku Xigeenada dalka ahna Wasiirka arrimaha Dibadda oo ka hadashay Shirkii ay uga soo qeybgashay dalka Jabuuti Kaa Oo Ay Ka Soo Qeyb Galeen Dowlado Farabadan Kuwaa Oo Ka Kala Socday Wadamada Islaamka.
Fowsiyo Yuusuf Haji Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ahna k.X R/Wasaaraha oo maanta dib ugu soo laabatay Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho ayaa ka warbixisay safar shaqo oo ay ku tagtay wadanka jabuuti gaar ahaan Kulankii ay ka qeybgashay ee ay isugu yimaadeen Wasiirrada arrimaha Dibadda Dowladaha Islaamka Oo Ay Ka Mataleysay Dowlada Soomaaliya.
Drs Fowsiya Ayaa Waxa Ay xustay in kulankaasi uu si guul ah kusoo dhamaaday madaxdii ka qeybgashayna ay ballanqaadeen inay si weyn u taageerayaan Hogaanka cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sh.Max’uud Gur Guurte.
Waziirada Arimaha Dibada Ee Dowlada Soomaaliya Ayaa Sidoo kale waxa ay shaacisay in ay la kulantay Madaxweynaha Jabuuti oo ay kalahadashay xaaladda soomaaliya iyo sidii loo sii horumarin lahaa Xiriirka saaxiibtinimo iyo kan walaaltinimo ee ka dhexeeya Labada jamhuuriyadood Ee Soomaaliya Iyo Jabuuti.




