Dagaalyahanada Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab Ee Gobolada Jubbooyinka ayaa xalay dagaallo culus ku qaaday magaalada Kismayo ee xarunta G/Jubbada Hoose Kaa Oo Ay Haatan Gacanta Ku Hayaan Ciidamada Dowladagaha Huwanta Ah.
Sid Ay Wararka ka imaanaya kismaayo xaqiijinaya ayaa Habeenkii xalay dagaallo culus ka qarxeen gudaha magaalada Iyadoona dagaalka Uu yimid kadib markii ay ciidamada Al-shabaab dhowr jiho kasoo weerareen magaalada
Saraakiil La Hadashay Warbaahinta ku hadasha Afka XSHM in dagaalkii xalay kula wareegeen difaacyo ay ka dagaalameen ciidamada Kenya In kastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ayay saraakiil katirsan Al-shabaab ee dagaalka hoggaaminayay sheegayaan in ayhubaan khasaara culus oo gaaray ciidanka Kenya Iyo Kuwa Raaskambooniyiinta Ah.




