Ku Dhawaad 4 Ruux ayaa Ku geeryootay intaas Tiro ka badanna way dhaawacmeen Kadib Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya.
Wariyaha Shabakada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom U Joogo Dalka Kenya joogayaal Ayaa Inoogu Soo Waramay In qaraxa uu ahaa bamka Nooca gacanta laga tuuro Iyadoona lala eegtay Koox askar boolis ah oo dhax lugaynaysay xaafada Islii Oo Ah Goobta uu qaraxu ka dhacay Gaar Ahaan Section-3 Oo Ka Mid Ah magaalada Nairobi Ee Dalkaasi Kenya.
Kadib Qaraxaasi Ayaa Goobta waxaa soo Gaaray Ciidamada Police-a Dalka Kenya Iyadoona Haatanba ay wadaan baaritaano ku aadan cida qaraxa ka dambaysay Iyadoona La Sheegayo In Ay Raaf Ku Hayaan Soomaalida Ka Ag Dhow Agagaarka Qaraxa Lagula Eegtay Askartaasi Kenyaanka Ah.




