Wasiir Caddaala wuxuu sheegay, howlgalkaan inuu ku yimid iskaashi dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland, isagoo intaas ku daray in howlgalkan uu ahaa mid muddo la qorshaynayay fulintiisa.
“Dhaqdhaaqyadooda iyo is-abaabulkooda aad ayaan ula soconay, gaar ahaan markii si weyn loogu jebiyay degaanadan Koofurta ee Hirshabeelle iyo Galmudug, ayay qaar kamid ah firxadkoodii meelahaas isku arursanayeen, waana la soconay xogtooda,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.
Alcaddaala waxa uu sheegay, howlgalkaas in lagu qaarijiyay horjoogayaashii ugu sarreeyay xerooyinka ay ku arursanaayeen dagaalamayaasha Alshabaab, isagoo sheegay, dowladda federaalka in ay ka hortagtay dhagar ay Shabaabku maleegeeyeen.
Wasiirku kama hadlin in howlgalkan ay wax ka ogyihiin masuuliyiinta ugu sarreeya Puntland, maaddaama uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka.












